Farmaajo oo muujiyay in uu ka xun yahay bixitaanka Ciidanka Maraykanka

Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka Soomaaliya Farmaajo waraysi uu siiyay Shabakada ka faaloota Arrimaha Ganacsiga ee Bloomberg,ayuu ku muujiyay sida uusan ugu farxin warkii kasoo yeeray Madaxweyne Trump ee ahaa in Ciidamada Maraykanka laga soo saaro Somaliya.

“Farmaajo waxuu usheegay Shabakadaas in uu jeclaan lahaa in Ciidamada Maraykanka ay sii joogaan Soomaaliya oo ah Dal ku dhow in uu ka adkaado argagixisada,isagoo kaashanaya Maraykanka”.

Hadalka Trump,ayaa la fahansan yahay in uu uga gol leeyahay fulinta balanqaadyadiisii xiligii olallihiisii doorashada ee 4-sano ka hor inta aan la gaarin doorashada labaad oo wax ka yar Bil ay ka harsan tahay.

Trump,ayaa horay ugu galay olalaha doorashada in uu kasoo saari doono dalal badan Ciidamada Maraykanka ee ka hawlgala.

Wasaarada Gaashaandhiga Maraykanka,ayaa gacanta ku haysa qorshe bishsn gudaheeda dib gudaha Dalka Maraykanka loogu soo celinayo Ciidamo.

Hadii uu suuragalo hadalka Trump waxuu noqon doonaa mid guul unoqda kooxaha argagixisada ah,isla markaana bariiqiya dagaalka lagula jiro kooxahaas.

Jibril Qoobey.