MAXAY DAARAN TAHAY BOOQASHADA ISAYAAS EE ADIS-ABABA?

Dalka Itoobiya waxaa booqasho saddex maalmooda ku jooga Madaxwaynaha Eritrea,kulamo iyo safaro kooban ayay wadda qaateen Abiye Ahmed.

B)MAXAY SALKA KU HAYSAA BOOQASHADU?

Dadka siyaasada gobalka iyo midda Itoobiya la socda waxay safarka Isayas u sabbabeeyen saddexdan arrimood:-

1).In lagaga arrinsanayo wajiga cusubey yeelatay Xiisada ka dhex aloosan Tigreega iyo Dawladda dhexe.

  1. In lagu daboolayo dhalilihii muddooyinkan loosoo jeedinayay heshiiskii labbada dal oo hana qaadi waayay. Wargaysyada dunnida ugu afka dheer ayaa calamaad su’aal saarayay biladii iyo dadaaladii Abiye Ahmed,qaarkood waxay ku doodayeen in heshiisku labba shaqsi dhaafi waayay oo uu furitanka xuddduudaha,ganacsigii iyo qoddobadii kale la fulin waayay.
  2. Dadka qaar ayaa qabba in caddaadiska ree galbeedka iyo shaqo guri oo loo diray safarkan kaga arrinsanayaan.

T) SIDEE LOO ARKAA BOOQASHADAN?

Kooxda 1-aad

Shacabka Tigreegu waxay u arkaan in dagaal lagu iclaamiyay,qaar kamida bulshada Mekelle ku sugan oo warbaahinta la hadlay ayaa yidhi:

“Abiye Ahmed Isayas wuxuu ka baran karaa kaliya sidda colaad loo huriyo ama sidda dhalinyarada dhigooda loo daadiyo, marnaba Abiye Ahmed horumar kama kordhsanayo nin shacabkuu maamulo uusan addeega bangiga ee ATM-ku gaadhin”

Midkale oo booqashadan ka hadlay ayaa yidhi: “Waa iska dalxiis iyo labba saaxiboo sawir ku mashqulsan xili ayax lala tacaalayo.” Wasiirkii hore arrimaha dibada Itoobiya, Seyoum Mesfin ayaa isaguna booqashadan ku sifeeyay mid madax banaanida dalka halis ku ah, islamarkaana Isayas u sahlaysa innuu faragalin sameeyo Itoobiya.

Kooxda-2aad

Kooxda Abiye Ahmed taabacsan waxay safarkan u arkaan mid Tigreega loogu goodinayo; Mid kamida dadka Abiye Ahmed taagersan ayaa yidhi “Isayas waa sunta Woyane kaga ilmaysiisa”.

Herman J.Cohen, oo ah qoraa caalamiya ayaa fikir midkan u dhaw qaba, wuxuuna booqashadan ku sifeeyay mid digniin u diraysa Tigreega islamarkaana meesha ka saarayaa innay awood milatari iskaga caabiyaan Dawladda dhexe.

Kooxda 3-aad

Martin Plaut, oo ah qoraa caalamiya oo xitaa Eritrea wax ka qoray ayaa aminsan in xidhiidh wanaagsan dhexmari doonin Dawladdaha Itoobiya iyo Eritrea illaa ay xurmeeyaan xuquuqaha Tigreega.

Itoobiyaan tiro baddan oo ay Axmaarada garabka fog ku jirtana waxay ka biyo diidsan yihiin xidhiidhka Abiye Ahmed Isayas la samaynayo iyo sidda uu u fogaynayo Tigreega.

GABO’GABO

Iskusoo duubo doodaha dalka ka socda ee safarkan waxay iskugu soo biyo shubanayaan innuu yahay safar dhoola tusa oo aan labbada saaxib dhaafi doonin,dadku baddi waxay ka biyo diidsan yihiin saameynta iyo booqashada Isayas oo ay u arkaan mid xaabada kusii shidaysa dabka ka shidan guddaha Itoobiya.

VOSS TV