Nabadsugida Somaliya oo gacanta uga dhigtay Alshabaab Maado muhiim ah

Hay’adda Nabad sugudda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay inay la wareegtay 79 tan oo maaddada sulphuric acid ah taas oo dalka loo soo geliyay si ay kooxda Al-Shabab uga sameeyaan waxyaabaha qarxa.

“Waxaan la wareegnay 79 tan oo sulphuric ah waxaana soo xirnay dhowr qof oo dalka soo geliyay una gudbinayay al-Shabab,” ayaa lagu soo qoray barta Tiwitter-ka Nisa.

Hay`adda ayaa intaas ku dartay in baaritaanno ay socdaan isla markaana eedeysanayaasha la soo taagi doono maxkamad gelinka dambe ee maanta. Ma aysan sheegin xilliga la qabtay waxyaabahaas.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysan iyadoo ay maanta ku aaddan tahay sanad-guurada saddexaad ee qaraxii 14 October 2017 ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 600 oo qof.

Al-Shabab ma aysan sheegan weerarkaas, inkastoo ay weerarro ka fuliyaan magaalada.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii June ka digay in Al-Shabaab ay awoodaan inay dalka soo geliyaan waxyaabaha laga sameeyo walxaha qarxa.