Safaarada Maraykanka oo war kasoo saartay Qaraxii Soobe

Safaarada ayaa qoraalkeeda ku sheegtay inay la murugooneyso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo maanta u baroordiiqaya xuska qaraxii ay ku geeriyoodeen dad aan waxba galabsan oo Shacab ahaa.

Sidoo kale waxaa qoraalka safaarada lagu sheegay in dowladda Mareykanku ay markasta garab ku siineyso dadka iyo dowladda Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

“Mareykanku uu la xanuunsanayo qoysaska dadkii qaraxaasi lagu laayay, kuwaasi oo ahaa dad aan waxba galabsan, isla markaana nolosha lagu dhaafiyay wax aan illaa hada la garanayn”Ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Safaarada Maraykanka.

Jibril Qoobey.