Wafti beesha caalamka ka socda oo gaaray Baydhabo

Shir Jaraa’id oo uu maanta la qabtay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed ‘Laftagareen, ayuu Wakiilka Qaramada Midoobey James Swan ku sheegay in Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur Goboleedka IGAD iyo Qaramada Midoobay ay soo dhaweeyeen dib u soo nooleynta wadahadalladii u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka.

“Waxaan ku boorrineynaa hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in ay sii wadaan diyaar-garowga doorashooyinka qaranka si ay kaalin uga qaataan doorasho ku dhisan daahfurnaan, caddaalad iyo wada-oggol,” ayuu hadalkiisa ku yiri Swan.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaliya maanta,ayuu gaaray Baydhabo,isagoo hogaaminaya wafti ka kooban inta badan Safiirada beesha caalamka ee Somaliya.

Jibril Qoobey.