Booliska K/Africa oo xabsiga dhigay Soomaali badan

Ciidamada Booliska dalka koonfur Afrika ayaa Xabsiga dhigeen 13 ruux oo Soomaali ah, kuwaas oo lagu eedeeyay inay dib u farsameynayeen waxyaabaha dhaca si loo iibgeeyo.

Ciidamada ayaa galay Warshad lagu farsameeyo waxyaabaha dhacay oo ku taalla degaanka Springs, iyaga oo kasoo xiray 13 Muwaadiniinta Soomaaliyeed, Sidoo kalena burburiyay waxyaabihii la sameynayay, Booliska ayaana sheegay in dadkaasi ay farsameynayeen waxyaabaha dhacay, isla markaana ay Bulshada dib uga iibinayeen.

Sarkaal u hadlay Booliska Degaanka Springs ee Gobolka Gauteng, ayaa sheegay in raga ay xireen ay ku wareejiyeen Hay’adaha dambi barista, isla markaana uu rajeynayo in dhawaan Maxkamad la soo taago.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ku sugan Soomaali farabadan, kuwaas oo Burcadda Koonfur Afrikaanka ah kala kulmay falal isugu jira, Dil, dhaawac iyo in la boobo hantidooda.