Ciidanka Dowladda iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay Hiiraan

Dagaal u dhexeeya Ciidammada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Buurweyn ee Gobalka Hiiraan.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii Al-Shabaab ay qarax la beegsadeen Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Dowladda gaar ahaan Qeybta 27-aad ee Xoogga Dalka, kuwaas oo ka yimid dhinaca degmada Buulo-Burde, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in gaadiidka Ciidamada Dowladda lala beegsaday qarax miinada nooca dhulka lagu Aaso ah, kaddibna uu bilaawday dagaal toos ah oo laba dhinac dhex-maray, waxaana jira khasaaro dhimasho & dhaawac ah oo ka dhashay dagaalkaas.