Madaxweynihii 1-aad ee Hirshabelle oo Baaq carro dhaliyay u jeediyay Beeshiisa.

Madaxweynihii 1-aad ee Dowlad Gobaleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa ugu baaqay Beesha uu kasoo jeedo (Xawaadle), oo kamid ah Beelaha ugu waa weyn saami qaybsiga Maamulka Hirshabelle, inay kaga dhawaaqaan Magaalada Beledweyne Hirshabelle cusub, maadama la doonayo in laga wareejiyo kursiga Madaxweynaha oo 4 sanno ee Maamulkaas uu jiray ay ku fadhiyeen.

Cali Cosoble oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa u sheegay Beeshiisa in la doonayo in la dhaafiyo Awoodooda Hirshabelle, ayna tahay in aysan Aqbalin.

Dhanka kale, Xildhibaan Mahad Salaad oo faalo ka bixinayay qoraal uu soo dhigay madaxweynihii hore ee Hirshabeelle ayaa yiri “Madaxweyne qofkii sidaan u hadli lahaa amaadan adigu ahayn, maadaaba Madaxweyne aad u soo noqotay reer Hirshabelle, ayna ku wada tirsanayaan!

“Soo ma moodid doorkii odoyeynta ee lagaa sugayay in aad ka gaabisay Madaxweyne, qoraalka aad soo dhigtayna uu dhaawac weyn u geysanayo miisaanka aad leedahay iyo mudnaanta ay kuu hayaan dadka reer Hirshabelle”!