Masuul katirsan Puntland oo Qarax lagula beegsaday Gaalkacyo

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ee Gobalka Mudug Maxamuud Cismaan Aadan, ayaa ka bad-baaday Qarax miino oo loogu xiray gaarigiisa.

Qaraxan oo ka dhacay Agagaarka Hotel KAAH ee Xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo, ayaa dhawaqiisa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada.

Qaraxan miino ayaa imaanaya xilli bilihii ugu dambeeyay uu soo hagaagayay amniga magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, kaddib howlgallo joogta ah oo ay magaalada ka fuliyeen Ciidammo cusub oo Dowladda Puntland ay ku daabushay magaaladaas.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ee Gobalka Mudug Maxamuud Cismaan Aadan.