Villa Somalia oo Waraaqo u dirtay Dowlad Gobaleedyada & diidmo cusub

Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa Waraaqo u kala dirtay Dowladaha xubnaha ka ah DFS, kuwaas oo ay uga dalbanayso inay muddo 10 cisho ah gudahood kusoo gudbiyaan xubnaha ku matalaya 2 Guddi ee Doorashooyinka Dowladda Federaalka ee 2020 – 2021.

Majiro Dowlad Goboleed kasoo jawaabay waraaqahaas ilaa iyo hada.

Gudiyada doorashooyinka ee lagu heshiiyay,ayaa kala ah…

1.Gudiga doorashooyinka ee heer Fadaraal oo Dowlad Goboleed walba ku yeelanayo 2-xubnood,waxaana magacaabaya Madaxweynaha Fadaraalka.

2.Gudiga Doorashooyinka ee heer Dowlad Goboleed oo Fadaraalku ku yeelanayo 3-xubnood,waxaana magacaabaya Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada.

3.Gudiga Khilaafaadka oo Dowlad Goboleed walba ku yeelanayo 2-xubnood,waxaana magacaabaya Madaxweynaha Fadaraalka.

Soo jawaabid la’aanta Dowlad Goboleedyada,ayaa loo aanaynayaa in uu jiro qoonsimaad.

Si gaar ah Jubaland waxay ka biyo diidsan tahay fulin la’aanta heshiiskii Gedo.

Puntland,ayaa iyaduna loo malaynayaa in ay dib iskugu dhigayso,iyadoo ilaalinaysa Jubaland.

Dad badan,ayaa qaba in Puntland aysan ku degdegin gudbinta xubnaha laga rabo ilaa xaalka G.Gedo dhinac udhacayo.

Jibril Qoobey.