Xubno katirsanaa Al-Shabaab oo lagu soo bandhigay Beled-xaawo (Sawirro)

Maamulka degmada Beled-Xaawo & Taliska Ciidanka Millateriga Soomaaliya ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay soo bandigeen Saddex Rag ah oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab, balse Ciidanka isku soo dhiibay.

Raggaan ayaa waxaa degmada Beled-Xaawo kusoo dhaweeyay Taliyaha Ciidamada xasilinta Gobolka Gedo Bakaal Kooke, Taliyaha Ciidamada Sirdoonka Degmada  Beled-Xaawo Cabdiqadir Xuseen Ibraahin & mas’uuliyin kale.

Ragga ka tirsanaa Al-Shabaab ee la sheegay inay Ciidamada Dowladda isku soo dhiibeen ayaa waxaa ay ka howlgeli jireen degaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, balse ay haatan isaga baxeen Al-Shabaab.