83 maalmood kaddib Soomaaliya oo aan la heyn Xukuumad rasmi ah!!

Ra’isalwasaare Rooble waxaa la magacaabay Sept 17 2020.Baarlamaanku waxuu codka kalsoonida siiyay Sept 23 2020.

Ilaa iyo hada kuma guulaysan in uu soo xusho Wasiiradiisii.83-Maalmood waxaa ku simayaal Wasiiro sii ah Wasiiradii Ra’isalwasaarihii sida fudud xilka looga tuuray ee Khayre.

Majiro Qodob Dastuuriya oo si cad uqeexaya xiliga ay tahay in lagu soo dhiso Wasiirada.

Sida wararkii ugu danbeeyay sheegayaan,waxaa la filayaa maalinka Axada ah in lasiin dayn doono Wasiirada cusub. Hadii ay dhab noqoto in Axada la magacaabo Wasiirada waxay xilka sii hayn doonaan mudo ka yar 5-bilood.