Banaan-baxyo ka dhan ah Kheyre oo ka dhacaya Nairobi

Banaan-bax ka dhan ah Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay ka dhacaan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Qaban-qaabada banaan-baxaan oo ay wadaan taageerayaasha Jabhadda ONLF ayaa laga dareemayaa Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, iyadoona lagu wado inay dhacaan Talaadada soo socota.

Mudaharaadkan ayaa looga soo hor-jeedaa go’aankii Xukuumaddii Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ay Urur Argagixisa ah ugu aqoonsadeen Jabhadda ONLF, iyo dhiibistii Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-dhagax.