Booliska Faransiiska oo dad u xiray weerar ka dhacay Paris

Booliska dalka Faransiiska ayaa afar qof u soo xiray dilka macallin taariikhda dhiga oo xalay lagu gowracay meel u dhow magaalada Paris ee caasimadda dalkaasi.

Booliska ayaa sheegaya in weerarkaasi ay rumeysan yihiin in uu ahaa aargoosi kaddib markii macallinkaasi uu ardaydiisa u soo bandhigay sawir gacmeed la sheegay in laga sameeyay Nabi Muxammad naxariis iyo nabad-gelyo korkiisa ha ahaatee.

Ninka weerarka geystay ayaa markii dambe waxaa toogasho ku dilay booliska.

Booliska ayaa xalay baaritaan ku sameeyay hooyga ninka looga shakiyay weerarka waxaana xabsiga loo taxaabay 4 qof oo la sheegay iney xiriir dhow la leeyihiin 18-jirka la aamnisan yahay inuu ku dhashay dalkaasi Ruushka.

Weerarkan oo aad looga hadal hayo faransiiska ayaa la sheegay inuu ka dhashay cashar ku saabsan sawir gacmeedyo muran badan dhaliyay oo laga sameeyay Nabi Muxamed NNK.

Macallinka ayaa la sheegay in ardayda Muslimiinta ah uu ka codsaday iney fasalka ka baxaan markii uu ardayda kale tusayay sawir gacmeedyada.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa dilka macallinka oo ka dhacay waqooyi-bari ee magaalada Paris ku tilmaamay weerar argagixiso.