DEG-DEG: Ciidanka Puntland iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay Galgala

Wararka ka imaanaya Gobalka Bari ayaa sheegaya in Dagaal kharaar oo u dhexeeya Ciidammada Dowladda Puntland iyo Maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab uu ka dhacay agagaaarka Habarhagoogle oo u dhow deegaanka Balikhadar ee buuraleyda Galgala.

Dagaalka oo aad u cuslaa ayaa si gaar ah u dhexmaray  Ciidammada PSF iyo PMPF Puntland oo wada Socda iyo Argagixisada Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo socday 2 saacadood lagu dilay 12 kamid ah Maleeshiyaadka Al-Shabaab, halka 1 Askari uga dhintay Ciidanka PMPF ah, uuna ku dhaawacmay Askari katirsan Ciidanka PSF-ta Puntland.