Internet-ka Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo saaka maqan

Internet-ka Koonfur iyo bartmaha Soomaaliya ayaa wajahaya culays, iyadoona uu hakad ku yimid shaqooyinkii daruuriga ahaa ee bulshada, gaar ahaan kuwii ku xirnaa Internet-ka.

Wararka ayaa sheegaya in inay cilad ku timid Viper-Optic badda dhaxdeeda ku yaallo.

Shirkadda Hormuud oo ah Shirkadda inta badan siisa khadka Teleefoonka iyo Internet-ka Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, ayaa sheegtay in dib u habeyn ay ku socoto Internet-ka, ayna soo gaba-gabeynayso waqti kooban.