Kumanaan Itoobiya oo ku dhibaateysan xadka Yemen & Sacuudiga

30.000 oo Itoobiyaan ah ayaa ku xaniban Xuduuda dalalka Yemen iyo Saudi Carabiya, kuwaas oo wajahaya xaalado adag.

Dadkan oo u badan dhalinyaro waxay ku nool yihiin Nolol aad u adag, waxaana laga soo tarxiilay dalka Sacuudi carabiya oo horeyto ay u tageen si ay u shaqeystaan.

Dowladda Itoobiya ayaan ka hadlin xaalada muwaadiniinteedan ku dhibaateysan xadka dalalka Yemen iyo Sacuudi Carabiya, iyadoona ay jiraan baaqyo kasoo baxaya caalamka.