NISA oo xabsiga dhigtay ganacsade taageeray fikirka Al-Shabaab (VIDEO)

Ciidammada Nabad-sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya NISA ayaa xabsiga u taxaabay Xaaji Abuukar Cumar Cadaan oo kamid ah ganacsatada caanka ah ee kunool Muqdisho.

Xariga Xaaji Abuukar ayaa yimid kaddib markii wareysi uu siiyay Idaacadda Kulmiye uu ku sheegay inuu taageersan yahay qorshaha kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Hordhaca Wareysiga Xaaji Abuukar Cumar Cadaan.

“Al-Shabaab waan taageersanahay mabda’ ahaan, gaalada Xalane ku jirtana in la baaba’sho waan rabaa.” ayuu yiri Abuukar Cumar Cadaan.

Dhawaan ayey sidaan oo kale NISA u xirtay walaalkiis Maxamuud Cumar Cadaan, kaas oo lagu eedeeyay inuu la macaamilay Al-Shabaab.