Qoorqoor oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab (VIDEO)

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, ayaa ku dhawaaqay howgal ka dhan ah Al-Shabaab oo dhawaan Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug ay ka bilaabi doonaan degaanada ay gacanta ku hayaan ururka Al-Shabaab.

Madaxweyne Qoorqoor oo xalay ku booqday Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Qeybta 21-aad deegaano ay ka socdaan howlgalo lagula dagaallamaayo Shabaab, ayaa sheegay in degaanada ay kaga sugan yihiin Al-Shabaab Galmudug in dhawaan lagala wareegi doono, ayna diyaariyeen qorshihii lagu qabsan lahaa.

Kooxda Al-Shabaab ayaa gacanta ku haya degmooyin ku yaala gobolada Mudug iyo Galgaduud.