Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku dhawaaqaya Golahiisa Wasiirada, iyo kulamadii u dambeeyay

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa soo gaba-gabeeyay kulamo wada-tashi oo maalmihii ugu dambeeyay ka socday Xafiiskiisa, kuwaas oo looga arinsanayay magacaabista Golaha Wasiirada cusub oo lagu wado in lagu dhawaaqo 24 saac ee soo socda.

Kulankii u dambeeyay ayaa xalay saqdii dhexe dhexmaray Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, kulankan ayaana qaatay muddo ka badan 4 saacadood.

Ilo-wareedyo ku dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya inay u badan tahay in 50% xubnaha qaar ee Xukuumaddii hore ay soo laaban doonaan.

Waxaa labadii maalmood ee la soo dhaafay taagnaa dood ka taagneyd xubnaha ka soo jeeda Koofur Galbeed ee ka mid noqonaya Golaha Wasiiradda, waxaana si gaar ah arrintaas isugu hayay Guddoomiye Mursal iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed.