Turkiga oo ku dhawaaqaya Helista keyd cusub oo Gaas dabiica ah

Madaxweynaha Turkiga Recep Dayyip Erdogan ayaa la filayaa inuu maanta ku dhawaaqo helitaanka Keyd cusub oo Gaas dabiici ah oo laga daahqaaday Badda Madow.

Madaxweynaha Turkiga, ayaa Arbacadii sheegay inuu goobjoog u noqon doono daahfurka Keydkaasi si uu ugu dhawaaqo Tirada Keyda Cusub ee Gaaska ah.

Bishii August ayuu Madaxweynaha Turkiga ku dhawaaqay helida Keyd Gaas dabiici ah oo dhan 320 bilyan oo Mitir Cubic, oo laga helay isla Badda Madow, wuxuuna Helitaanka Keydkaasi ahaa kii ugu waynaa Taarikhda ee soo mara Turkiga.