Xukun lagu riday Rag kufsi ka geystay Hargeysa

Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ee Hargeysa ayaa xukun ku riday maanta 7 eedaysane oo loo heysto in ay kufsadeen Cawo Xariir oo ka mid ahayd caruurta xarunta agoomaha.

Maxkamadda ayaa 2 ka mid d ah 7 eedaysane ku xukuntay min 3 sano oo xadhig ah. Halka 5 tii kale ay midkiiba maxkamaddu ku xukuntay 6 bilood oo xadhig dibad joog ah.

Dhinaca kale Xafiiska Xeer Ilaalinta oo aan xukunkaa ku qancin waxa uu xukunkaa ka qaateen rafcaan, sida uu sheegay Garyaqaan Jamaal Mandeella.