DEG-DEG: Madxaweyne DENI oo lagu soo dhaweeyay Garoowe

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni, ayaa goor-dhaweyd soo gaaray magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, kaddib muddo 47 maalmood ah oo uu ku maqnaa magaalooyinka Muqdisho, Nairobi iyo Dubai.

Madaxweyne Deni ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Garoowe, iyadoona soo dhaweyntiisa ay ka qeyb-galeen Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, xubno katirsan labada Gole ee Dowladda iyo kumanaan Shacab ah.

Madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa inuu goor-dhow kumanaan Shacab ah kula hadlay Barxada weyn ee Garoowe, isagoona ka hadli doona socdaaladiisii Muqdisho iyo Dibedda.

Goor-dhow filo Khudbadda Madaxweyne Deni.