Dhalinyarada Boosaaso oo lagu dhiira-galinayo la shaqeynta Ciidammada (VIDEO)

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari ayaa Magaalada Boosaaso ka daah-furay tartan kubada cagta ah, kaas ujeedkiisu yahay Isdhexgalka Dhalinyarada iyo ku Wacyigalinta ka qeybqaadashada Amniga Magaalada.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Dhalinyarada ka codsaday in Tartankaan uu ku soo Dhamaado siwanagsan, isagoona sheegay in ay ka qeyb qaadan doonan abaalmarinada Dhalinyarada markii u soo dhamaado Tartankaan.