Fahad Yaasiin oo Ciidammo geeyay Jowhar

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaad 100 Askari oo ka tirsan Ciidammada Haramcad ku geysay diyaarad Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Ujeedada Ciidammadan loo geeyay Magaalada Jowhar ayaa lagu sheegay inay ka qeyb qaataan xoojinta Amniga magaalada, maadama la filayo in lagu qabto dhowaan Doorashada Hoggaanka cusub ee Maamulkaas iyo Doorashada qaar kamid ah Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matalaya Hirshabelle.

Dadka falanqeeya Arrimaha Siyaasadda ayaa rumeysan in Ujeedada loo geeyay Jowhar Ciidammadan oo hoostaga Taliyaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin ay tahay in Madaxtooyada Villa Soomaaliya ay afduubato doorashada Maamulka Hirshabelle iyo tan Xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS ee ka dhacaysa Magaalada Jowhar.