Farmaajo iyo Mursal oo isku heysta cida noqonaysa Wasiirka Maaliyadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa wali la harjadaya magacaabista Golaha Wasiirada cusub, iyadoona muddo ku dhow Saddex bilood uusan dalku laheyn Xukuumad rasmi ah.

Wararka ayaa sheegaya in magacaabis Golaha Wasiirada cusub ay weli hakad ugu jirto ismari waa ka dhex taagan Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Maxamed Mursal, kuwaas oo isku haya cida noqonayaan Wasiirka Maaliyadda.

Guddoomiye Mursal ayaa wararku sheegayaan inuu ku doodayo in qof isagu uu wato oo Beeshiisa aj la siiyo Wasiirka Maaliyadda, maadama ay qeyb ka aheyd Heshiiskii lagu riday Xukuumaddii Ra’iisulwasaare Kheyre, halka Madaxweyne Farmaajo uu doonayo in loo daayo C/rixmaan Ducaale Beyle, oo hadda ah Sii-hayaha xilka Wasiirka Maaliyadda ayna saaxiib dhow yihiin Farmaajo.