Shirka Hormarinta Cadaaladda Puntland oo ka dhacay Gaalkacyo (VIDEO)

Shir looga hadlayo Hormarinta Cadaaladda iyo ilaalinta xuquuqda eedeysanaha ayaa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo, waxaana ka qeyb-galay Masuuliyiinta Maxkamadaha Puntland.

Masuuliyiinta ka qeyb-galay Shirka ayaa waxaa kamid ah Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka Maxkamadda sare ee Dowladda Puntland, Xeer ilaaliyaha Guud ee Dowladda Puntland, Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda Puntland iyo xubno kale.