Waddooyinka Garoowe oo loo xiray soo dhaweynta Deni

Waddooyinka muhiimka ah ee soo gala barxadda Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa saaka xiran, sababo la xariira soo dhaweynta Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni.

Madaxweyne Deni ayaa kasoo socdaalaya magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya, isagoona Caasimadda Puntland dib ugu soo laabanaya maanta kaddib 48 maalmood oo uu ka maqnaa.

Gaadiidka Dadweynaha ayaa ka leexanaya nawaaxiga Barxadda, iyagoo isticmaalaya Laamiyadda kale ee Magaalada, waxaana la filayaa in Madaxweyne Deni uu Shacabka kula hadlo barxadda weyn ee Garoowe, isagoo dog ka siin doona Safaradiisii Muqdisho, Nairobi iyo Dubai oo aan isaga Madaxtooyada Puntland aysan shaacin.