Abiy Ahmed oo lagu heysto inuu qaaday wadadii Tigreega

Maamulka Oromadu waxay maanta heshiis la galeen shirkado kala gadisan oo dhisi doona boqol dugsi sare(100), Afartan dugsi gaar ah(40) iyo waliba Toddoba dugsi(7) oo Boardhing ah. Dugsiyadan oo ay ku kacayso lacag gaadhaysa Shan bilyan ayaa lagusoo afmeeri doona muddo siddeed bilood ah.

Waxgarad baddan oo Axmaarada kasoo jeeda ayaa maalmahan dhaliilo ujeedinayay xukuumada Abiye Ahmed,waxayna ku dhaliilayeen innay waddadii Tigreega hayaan. Sigaara waxay u dhaliaalyeen Dugsiyada gaarka ah oo ay sheegayeen innaysan fursad u helin Deeganada kale(Dugsiyadan ardayda culuunta tayo leh loo diyaariyay ayay soo saarayaan).

Dhanka kale waxay Axmaaradu ku doodayaan in Dugsiyadan lagu faafinayo luuqadaha iyo dhaqanka Oromada maaddama laga dhisayo meelo xuddduud la waddaaga deeganada kale.