Damaca Villa Somalia ee Doorashada Hirshabelle iyo Magacaabista Gen. Afrax!!

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble, oo caawa ku dhawaaqay Golahiisa Wasiirada cusub ayaa u magacaabay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Gen. Mukhtar Xuseen Afrax oo kasoo jeeda Gobalka Hiiraan (Beesha Xawaadle), kaas ay tahay shaqada ugu horeysa ee hor-taalla fara-galinta Doorashada Maamulka Hirshabelle.

Gen. Afrax oo kamid ah Wasiirada ugu horeeya ee Todobaadkan gudihiisa la wareegaya Xafiiska ayaa Asbuuca soo socda horaantiisa tagaya Magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar, si uu u fuliyo qorshaha Madaxtooyadda Villa Somalia ee ku aadan wax ka bedelka saami qeybsiga ay ku dhisan tahay Hirshabelle.

Gen. Afrax ayaa u howlgali doona in Beesha uu kasoo jeedo, oo heysatay Kursiga Madaxweynaha 4 sanno ee ay jirtay Hirshabelle uu dhaafiyo Kursiga, kana shaqeeyo inuu Qancin iyo Awood tii ay ku suuragasho ay qaataan Kursiga Madaxweyne Ku-xigeenka, iyadoona Kursiga Madaxweynaha lagu fariisin doono Siyaasi kasoo jeeda Beesha Abgaal oo ay wadato Madaxtooyaddu.

Dadka falanqeeya Arrimaha Siyaasadda ayaa rumeysan inay ku adkaan doonto Gen. Afrax fulinta qorshaha Madaxtooyada, sababo la xariira Hoggaanka dhaqanka Gobalka Hiiraan oo aan Sahal lagu mari doonin, Kalsoonida uu ku qabo Villa Soomaaliya oo aad u hooseysa, sababo la xariira Axdi darada Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble oo aan saari doonin cadaadis xooggan maadama uu iska ilaalinayo inuu ku aanoobo kursiga 4-ta bilood.