Dowladda Baro kantarool ka sameysay Muqdisho (VIDEO)

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xijaar iyo saraakiil kale ayaa waxaa ay xalay kormeer ku tageen Baro koontorool oo gaadiidka lagu baaro, kaas oo dowladda Soomaaliya ay ka sameysay Magaalada muqdisho.

Baraha koontorool ayaa waxaa ay yihiin goobihii dhawaan dowladda Soomaaliya ay dhagxaanta ka qaaday, kuwaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamo Boolis ah oo gaadiidka ku baaraya.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay booqdeen ilaa 15 Baro-koontoroolool oo ku yaalla inta u dhaxeysa Bariga Magaalada Muqdisho ee degmada Kaaraan ilaa Galbeedka Muqdisho oo ah degmada Kaxda.