Golaha Wasiirada cusub ee XFS oo goor-dhaw lagu dhawaaqayo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa lagu wadaa inuu goor-dhaw ku dhawaaqo Golaha Wasiirada cusub ee dalka, kaddib ku dhawaad 3 bilood oo dalku uusan laheyn Xukuumad rasmi ah.

Golaha Wasiirada ee uu magacaabayo Ra’iisul Wasaare Rooble oo u badan xubnihii Xukuumaddii Kheyre ayaa la filayaa inay kusoo biiraan dad ku cusub, halka meesha laga saarayo xubno hore.