Puntland oo ku dhawaaqday inuu dhib fara-badan ku hayo Ayaxa (VIDEO)

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay in amniga guud ee degaannada puntland uu yahay mid aad u wanaagsan, hayeeshee Ayax farabadan uu dhibaato ku haayo deegaano ka tirsan Puntland.

Axmed Karaash ayaa sheegay in Ayaxa uu dhibaato u geystay Dalagyo farabadan iyo Geedo ku yaallo Gobolada Puntland, isla markaana Wasaaradda Beeraah puntland ay bilaawday sidii loola dagaalami lahaa Ayaxa.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan ayaa u mahad-celiyay Wasaaradda Beeraaha  & Waraabka Dowladda Soomaaliya &  Hay’adda FOA oo uu sheegay inay dadaal farabadan ku bixiyeen sidii ayaxa loola dagaalami lahaa.