VIDEO: Cali Cosoble oo digniin adag u diray Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cososble, ayaa digniin adag u diray Madaxweynaha DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo, isagoona yiri “Hadii Jowhar wax sax ah looga shaqeyn waayo Hirshabelle anagaa iska leh Baladweyne ayaan ku dhisaneynaa.”

Cali Cosoble ayaa intaas ku daray “Madaxweyne Farmaajo wuxuu u baahan yahay in Marxuum Maxamed Siyaad Barre uu kala soo hadlo Qabriga, kaddibna uu waydiisto tallo siin ku aaddan hannaanka uu u wajahayo dhismaha maamulka Hirshabelle”.