Agaasime Koofi oo ka bad-baadiyay Qarax

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi), ayaa ka bad-baaday qarax daqiiqado ka hor ka dhacay Isgooska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ahaa mid la dhigay hareeraha wadada aada Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.