G/Sare Xuseen oo baaq u diray Ganacsatada Boosaaso (VIDEO)

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud oo ay weheliyaan ku Xigeenada Maamulka Gobolka Bari iyo Degmada Boosaaso ayaa kormeer ku aadan u kuurgalida Amniga ku tagay Suuqa-Wayn ee magaalada Boosaaso iyo goobaha dadweynaha

Kormeerka Taliyaha iyo masuuliyiinta ay ku tageen Suuqa Bosaso ayaa ahaa mid lagu xoojinayo Amniga Magaalo xeebeedka Ganacsiga si sare loogu sii qaado ganacsiga iyo horumarka magaalada iyo guud ahaan Puntland.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari ayaa qof qof ula sheekeeystay Ganacsatada waawayn iyo kuwa yar yar ee ku ganacsada suuqa kuwaasoo iyagana la wadaagay warbixino ku aadan suuqa Ganacsigooda iyo Amnigaba waxaana ay tTalyaha ay ku bogaadiyeen dowrka uu ka qaatay isdhaxgalka Bulshada iyo Ciidamada Booliiska tan iyo intii uu shaqada ku jiray.