Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay Safiirka Sweden (Sawirro)

Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatar Cabdi Xaashi Cabdullaahi Ayaa maanta oo Khamiis ah Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sweden ee Soomaaliya Amb. Staffan Tillander.

Kulanka Guddomiye Cabdi Xaashi iyo Safiirka Sweden ayaa ahaa is xogwaraysi ku aadan xaaladda Guud ee waddanka hadda marayo, iyo meesha loo socdo.

Sidoo kale, Guddoomiyaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay shaqada Midowga Yurub, gaar ahaan Sweden ka wadaan Soomaaliya, oo ka mid tahay arrimaha Dib-u-eegista Dasturka, doorashooyinka soosocda iyo sidii mustaqbalka loo xaqiijin karo in Soomaaliya gaadho doorasho qof-iyo-cod ah, iyadoona kulanku uu kusoo dhamaaday isfaham.