Ilwad Elman oo ku guuleysatay Abaal-marin caalami ah

Ilwad Elman oo ah gabadh Soomaaliyeed oo u ololeysa nabadda ayaa sanadkaan 2020 ku guulaysatay Abaalmarin caalami ah oo la siiyo shaqsiyaadka ugu firfircoon qaaradda Afrika oo ay bixiso hay’adda Jarmal-Afrika Foundation.

Hay’adda ayaa xaqiijisay in Ilwad Elman oo madax ka ah hay’adda Elman oo u ololaysa ilaalinta xuquuqda Aadanaha, lagu sharfi doono dhammaadka bishan magaalada Berlin, sida lagasoo xigtay wasaaradda arrimaha dibadda Jarmalka.