VIDEO: Puntland oo tababar u furtay Ciidammo Boolis ah oo cusub

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amnigga iyo DDRta Puntland Cabdilaahi Cabdisalaan Xasan oo ay weheliyaan Taliye ku xigeenka Booliska Puntland Gen Caydiid Axmed Nuur, ayaa Dugsigga Xorgoble ee degmadda Qardho tababar uga furay 455 askari oo ka tirsan ciidamadda Booliska Puntland kuwaas oo ka kala yimi Goboladda Nugaal, Mudug iyo Karkaar.

Sidoo kalle waxaa ka qayb-gallay furitaanka Duqa Degmadda Qardho, Taliska Qaybta Gobolka Karkaar, Gudoomiyaha Gobolka Karkaar, Saraakiisha Ciidamada iyo kuwa Dugsigga Xorgoble oo uu hogaaminayo Taliyaha Dugsigga Burhaan Caanood, Madaxda Xafiisyadda Gobolka Karkaar iyo Masuuliyiin kalle.

Wasiir ku xigeenka Amnigga Puntland ayaa sheegay in dufcadaan ay yihiin kuwii labaad oo tababar loo furo, dawladduna ay ugga gol-leedahay in la tayeeyo ciidamadda Puntland lana tira-koobo. Si loo hello ciidana nidaamsan oo amnigga Puntland ku fillan.