Somaliland oo ka joojisay deegaanadeeda in lagu qabto Shirar ay ka qeybgalayaan Dadka ka yimaada K/Somalia

Xukuumadda Somaliland ayaa Mabnuucday in Dad Soomaaliya ka socdaa Somaliland u yimaaddaan ka qayb-galka Siminaarrada, kulamada iyo shirarka.

Sidoo kale, Xukuumadda ayaa Ururrada Bulshada Rayidka ah ee laga leeyahay Somaliland ka mabnuucday inay ka qayb-galaan Siminaarrada, shirarka iyo kulamada lagu qabto Soomaaliya, halka sidaasi oo kale la mabnuucay in Somaliland la keeno dad ka socda Soomaaliya, si ay dalka ugaga qayb-galaan Siminaarro ama kulamada.

Sidaana waxa lagu sheegay Qoraal ka soo baxay Xukuumadda Somaliland oo bishii August ee sannadkan 2020 loona qaybiyey Hay’adaha kala duwan ee Somaliland ku sugan.