VIDEO: Maxaa kala socotaa dhismaha Dekadda Garacad ?

Dhismaha Dekadda Garacad oo noqday Mashruucii ugu waynaa ee dhanka horumarinta Kaabayaasha Dhaqaala ee laga hirgaliyo dalka Soomaaliya tan iyo burburkii ayaa si habsam ah ugu socda deegaanka Garacad, ee Gobalka Mudug.

Mashruucaan oo ka kooban: Dekad casri ah oo leh 3 Jambi-saar (3 berths) oo maraakiibta waawayn iyo Doonyuhu kusoo xiran karaan; Haamaha Kaydka Shidaalka; Bakhaaro(warehouses) iyo Barxado (Parking) waawayn oo lagu kaydiyo badeecadaha kala duwan; Xafiisyo gacansi iyo Xarumo Dawladeed; Aaga Ganacsiga Xortaa iyo Wado 303 KM oo isku xiridoonta Dekadda Garacad iyo Kastamka Duur-dibi ayaa 100% waxaa maalgashanaya Ganacsato iyo Xirfadlayaal Soomaaliyeed oo soo kala jeeda guud ahaan deegaanadda Soomaalidu dagto.

Maalgashiga Mashruucu wuxuu u furanyahay qof kasta oo Soomaali ah oo la hubin karo in maalkiisa uu si sax ah oo xalaal ah u kasbaday.