VIDEO: Maxaad ka taqaan Degmada Ufeyn ee Gobalka Bari ?

Degmada Ufeyn ee Gobalka Bari ayaa kamid ah Degmooyinka taariikhiga ah ee Puntland, iyadoona kamid ah Deegaanada dhaca Buuraleyda Cal-miskaat ee Bari.

Dowladda Puntland ayaa Ufeyn ka hirgalisay dhamaan adeegyada muhiimka u ah Bulshada, sida Biyaha, Isbitaalo iyo Goobo Waxbarasho.

Degamda dadka ku nool waxaa lagu qiyaasaa 60,000 oo qof waana degmada labaad ee ugu wayn Gobolka bari marka Laga reebo Boosaaso.

Degmada Ufeyn ayaa kamid ah ilaha dhaqaale Puntland, waxaana degmada iyo Deegaanada hoos-taga laga guro Xijiga iyo Beenyada.