Wadada Ceeldaahir – Ceergaabo oo lagu bilaabay Daamurkii (Sawirro)

Wajiga labaad ee dhismaha Wadada Ceeldaahir iyo Ceergaabo ayaa maanta la bilaabay, iyadoona Wadada la saarayo Daamur, kaddib muddo la waday diyaarinteeda.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa booqan doona maalmaha soo socda si uu si rasmi ah ugu dhawaaqo bilaabashada Wajiga labaad ee Wadada.