Wasiir ku-xigeenka Amniga Puntland oo baaq u diray Ciidammo tababar loo furay (VIDEO)

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Mudane Abdulahi Abdisalan, ayaa Dugsigga Xorgoble ee magaalada Qardho tababar uga furay 455 askari oo ka tirsan Ciidamadda Booliska Puntland, kuwaas oo ka kala yimi Goboladda Nugaal, Mudug iyo Karkaar.

Wasiir Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan, ayaa sheegay in Ciidankan ay noqonayaan dufcadii labaad oo kamid ah Booliska Puntland oo loo furay tababar, isagoona ugu baaqay Ciidammada inay ka faa’ideystaan.