Maxaa hortaagan magacaabista Guddiga Doorashooyinka 2020/2021 ?

Taladaadii shalay aheyd ayay ku ekeed mudada lagu balamay in lagu soo Magacaabo min labada xubnood ee Guddiga Farsamada & Xalinta Khilaafaadka Doorashada 2020/2021, oo kamid ah qodobadii ay ku heshiiyeen Madaxda Dowladda & Dowlad Goboleedyada.

Waxaa jira dhowr sababood oo keentay in ilaa iyo hadda aysan jirin Dowlad Gobaleed soo gudbiyay xubnaha laga doonayo marka laga reebo balan qaadyo ay sameeyeen.

Wararka ayaa sheegaya in dhinaca Dowladda Jubbaland ay tahay in aan weli wax xal  ah laga gaarin arrinta gobolka Gedo, isla markaana dowladda Soomaaliya ay Ciidamo horleh geysay gobolkaas, taas oo caqabad ku ah hirgalinta Heshiiskii Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maalmo kahor ka dalbaday Dowladaha xubnaha ka ah DFS inay soo gudbiyaan xubnaha ku matalaya Guddiga doorashooyinka.