Shaybaaristayaal ka socda cisbitaalada Puntland oo tababar loo soo xiray (Sawirro)

Wasaaradda Caafimaadka DPL ayaa soo gabagabaysay Tababar socday muddo 4 maalmood ah ku saabsanaa habka ugu wanaagsan ee qaadista iyo safrinta saamiyada (samples) ka la baarayo sida COVID-19, Shuban Biyoodka daran (AWD) iyo Jadeecada( Measles) waxaana ka faaiidaystay Sheybaariistayaal ka socday Cisbitaalada Puntland.

Tababarka ayaa qeyb ka ah kor u qaadista xirfada shaybaariistayaasha ee dhinaca shaybaarka ee ay wasaaradu waday.