Wasaaradda Haweenka Puntland oo Raashin u qeybisay 70 Qoys oo danyar ah (VIDEO)

Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowladda Puntland oo kaashanaysa Hay’dda save children ayaa maanta magaaladda Garowe waxay 70 qoys oo danyar ah u qaybisay raashin isugu jiray Bariis,Bur, Sonkor, Baasto, Timir, Saliid iyo agab kale oo loogu talagay dadkaasi oo iskugu jiray waayeel, naafo iyo dadka danyar ah oo ka kala yimid IDPSka iyo Xaafadaha Magaaladda Garowe.

Munaasabada lagu wareejinayay raashin kaan ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowladda Puntland, Marwa aaamin Cismaan Xaaj, Agaasimaha Guud, Maxamed Cabdirisaaq Nuux iyo Agaasimaha Waaxda Nugulka iyo Masuuliyiin ka socday Hay’dda Save Children.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowladda Puntland, Marwa aaamin Cismaan Xaaji oo Munaasabada ka hadshay ayaa sheegtay inay agabkaan loogu talogay dadka danyarta ah ee qaba daruufaha gaarka ah islamarkaana dowladda Puntland ay ka go’an tahay caawinta bulshada qaybaheeda nugul.