Doorashada Maraykanka oo la isku dayay in la faragaliyo

Agaasimaha sirdoonka Qaranka ee Mareykanka John Ratcliffe,ayaa Arbacadii sheegay in dowladaha Russia iyo Iran ay labadaba isku dayeen inay soo faragaliyaan doorashada madaxtinimo ee Mareyakanka ee 2020ka.

Ratcliffe Ratcliffe oo ka hadlayay shir ja;aa’id oo si deg deg ah loo soo abaabulay, ayaa sheegay in Mareyaknka uu lacago dul saari doono waddan kasta oo shihseeye oo soo faragaliya doorashada Mareaykanka ee 2020-ka, iyadoo uu shirka jaraa’id ku wehliyay agaasimaha hay’adda FBI-da Chris Wray.

“Waxaan xaqiijinnay in qaar kamid ah macluumadka diiwaangalinta cod bixiyeyaasha ay heleen Iran iyo si qaas ah Russia,” ayuu yiri Ratcliffe intii lagu guda jiray shirka jaraa’id,

Wuxuu sheegay inay arkeen Email-lo ay dirtay Iran oo loogu talagalay in lagu qalqalgaliyo codbixiyeyaasha, kicin bulsho iyo in lagu dhaawaco madaxweyne Donald Trump.

Hadalka madaxa Sirdoonka ee Mareykanka ayaa imaanaya iyadoo doorashada madaxtimo ee Mareayknka ay ka harsan tahay laba todobaad oo kaliya, jilayaasha shisheeyahana ay raadinayan habab ay kusoo faragaliyaan doorashada si natiijada ay waddaeeda uga weeciyaan.