Gaalkacyo oo sameynaysa Hormar, kaddib guushii laga gaaray Argagixisada (VIDEO)

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay xaaladeeda Ammaan soo hagaagaysay, iyadoona ay magaalada ka socdaan howlgallo joogto ah oo ay sameynayaan Ciidammada Booliska Puntland.

Ciidammada ayaa inta howlgaladu socdeen ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan Maleeshiyaad kamid ah kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabab iyo kooxo ka ganacsada khamrida oo qeyb ka ahaa nabad-galyo darada Gaalkacyo.

Sidoo kale, Soo kabashada amniga magaalada Gaalkacyo ayaa sababta inay magaaladu sameyso Hormaro baaxad weyn, iyadoona laga hirgaliyay Goobo ganacsi oo waa weyn iyo yar isugu jira, goobo dalxiis iyo meelaha ay Bulshadu isugu yimaadaan ee lagu nasto.

Sidoo kale, Waxaa dhismihiisu meel gaba-gabo ah marayaa Garoonka diyaaradaha Cawaale ee magaalada Gaalkacyo, kaas oo ay u dhimatay dhigista Rooga cagaaran.