Jarmalka oo Puntland ugu deeqday 7.2 Milyan oo loogu talagalay COVID-19

Hay’adda Iskaashiga Horumarinta Jarmalka ee GIZ ayaa  ku deeqday 7.2m oo Yuuro ah oo loogu talo galay ka jawaabida adeegyada caafimaadka iyo xoojinta la dagaalanka COVID19 ee degaaanada Puntland.

Dowladda Jarmalka ayaa hoosta ka xariiqday sida ay uga go’an tahay sii wadista maalgashiga xoojinta adeegyada caafimaadka ee Soomaaliya iyadoo ku biirisay lacag dheeri ah oo dhan (7.2 milyan).

Lacagtaan ayaa Hay’addu u soo marisay hay’adda UNICEF.

“Aad ayaan uga mahadcelineynaa taageerada isdaba jooga ah ee dowladda Jarmalka, ”ayuu yiri Jesper Moller, Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya.

UNICEF waxay sheegtay Lacagtan in aysan kaliya u adeegsandoonin adeegyo nafo lagu badbaadiyo, balse sidoo kale ay sii dhisi doonto maalgashiyo dowladda Jarmalka ku sameysay waaxyaha caafimaadka ee degaaanada Puntland.